HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Saturday, February 13, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo fariisimo xoogan ka sameeystay inta u dhaxeeysa magaalooyinka B/weyne iyo Buulo-burte ee gobalka Hiiraan.
Posted by Caagane on November 25 2013
Wararka naga soo gaaraya gobalka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya kuwa AMISOM ay markii ugu horeeysay fariisimo ka sameeysteen wadada xiriirisa magaalooyinka B/weyne iyo Buulo-burte ee gobalka Hiiraan.

Ciidamadaan ayaa waxay qorsheeynaya inay gebi ahaan la wareegaan gacan ku haynta magaalada Buulo-burte ee gobalka Hiiraan, halkaas oo ay haatan gacanta ku haayaan Xarakada Al-shabaab.

Ciidamadaan ayaa maalintii shalay waxay kasoo amba-baxeen magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan, iyagoona haatan ku sugan deegaano ay ka mid yihiin Baraagta Ceelow, Afar Irdood iyo tuulooyinka kale ee ku xeeran, halkaas oo halbowle u ah marinka magaalooyinka B/weyne iyo Buulo-burte.

Tani waxay culeys aad u xoogan ku keeneysaa ciidamada Al-shabaab ee haatan ku howlan weerarada ka dhanka ah magaalada B/weyne, waxayna qorshe bilow ah u tahay howlgalka Shabaabka looga saaraayo magaalada Buulo-burte.

Korneel Cismaan Dubad oo ah taliyaha ciidanka Midowga Afrika AMISOM ee gobalka Hiiraan ayaa sheegay inay sii xoojinayaan howlgalada ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray cadowga umadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, maalintii shalay ayay ahayd markii ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay sidoo kale gaareen deegaanada dhanka galbeedka kaga beegan magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan, halkaas oo ay si xoog ah uga saareen ciidankii Al-shabaabka ahaa ee halkaasi ku sugnaa.

Si kastaba ha ahaatee, howlgaladaan ay ciidamadaan isgarabsanaaya ugu kala dhaqaaqeen jihooyinka bariga iyo galbeedka magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxay yareeyneysaa dareenkii dadka reer B/weyne ay ka qabeen weeraro hor leh oo kaga yimaada Xarakada Al-shabaab.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved