Cabdi Qaybdiid oo digniin u diray madaxda dowladda federaalka Soomaaliya

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamulka Galmudug, isagoo sheegay in aan xoog lagu maquunin karin shacabka iyo maamulka Galmudug.

Senatarka ayaa carrabka ku adkeeyay in Galmudug ay leedahay xaalad gaar ah oo aan la barbar dhigi karin maamullada kale ee dalka, isagoo sheegay in shacabka iyo siyaasiyiinta deegaanka aysan oggolaan doonin wax kasta oo lagu maquuninayo rabitaankooda siyaasadeed.

“Galmudug ma aha meel xoog lagu maamuli karo, shacabka deegaanka iyo madaxda maamulka waxay leeyihiin mowqif mideysan oo ku saabsan aayahooda siyaasadeed,” Ayuu yiri Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).

Sidoo kale, Senator-ka ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan ka hirgelin karin Galmudug qorshe aan taageero ka haysan shacabka maamulkaasi, isagoo ka digay in tallaabooyin noocaas ah ay horseedi karaan xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo hor leh.

Dhinaca kale, Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee guud ahaan dalka, isagoo sheegay in muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhammaaday, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn, Qaybdiid ayaa shaaciyay in siyaasiyiinta mucaaradka ay qorsheynayaan banaanbaxyo waaweyn oo la filayo inay ka dhacaan magaalada Muqdisho 4-ta bisha June, kuwaas oo lagu muujinayo mowqifkooda ku aaddan dowladda federaalka Soomaaliya.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa muddooyinkii dambe dowladda ku eedeynayay inay ku fashilantay wadatashi siyaasadeed iyo in aysan jirin hannaan mideysan oo lagu wajahayo arrimaha doorashooyinka, amniga iyo maamulka dalka.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo is mari-waaga u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo magaalada Muqdisho ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa.