Sarkaal ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya

Sarkaal ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya

War kasoo baxay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Ugunji ee gobolka Sh/hoose ayaa lagu sheegay inuu isku soo dhiibay sarkaal lagu magacaabo Cali Maxamed Colow, oo hore uga tirsanaa kooxda Al-shabaab.

Sarkaalkaas ayaa sida la sheegay hore uga soo dagaallamay gobollada Hiiraan, Sh/hoose iyo Sh/dhexe, halkaas oo uu ka mid ahaa xubnaha firfircoon ee kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale, sarkaalkaasi ayaa la sheegay inuu go’aansaday inuu isku soo dhiibo ciidanka dowladda kadib markii ay ku adkaatay nolosha gudaha kooxda Al-shabaab, isla markaana uu la kulmay cabsi joogto ah iyo cadaadis xoogan.

Dhinaca kale, ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Sh/hoose, halkaas oo ay dhawaanahan ciidamadu kala wareegeen kooxda deegaanno dhowr ah oo muhiim ah.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalada ay wadaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in lagu wiiqo awoodda Al-shabaab, islamarkaana lagu xasiliyo amniga guud ee gobolka Sh/hoose iyo guud ahaan dalka.