Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in guddigii ka koobnaa afarta xubnood ee u tagay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ay kala kulmeen mowqif adag iyo shuruudo culus oo uu hordhigay.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in madaxweyne Qoor-Qoor uu guddiga u gudbiyay shuruudo uu ku xiray xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee jira.
Shuruudda ugu horreysa ayaa ahayd in la isugu yeero waxgaradka, siyaasiyiinta iyo dadka saamaynta ku leh arrimaha Galmudug si ay uga tashadaan mustaqbalka maamulka iyo jihada siyaasadeed ee uu qaadayo.
Shuruuda kale ayaa sidoo kale ahayd in la dhiso guddi doorasho oo dhexdhexaad ah, maadaama sida la sheegay aysan jirin kalsooni lagu qabo guddiga doorashada ee hadda jira.
Dhinaca kale, madaxweyne Qoor-Qoor ayaa la sheegay inuu aaminsan yahay in guddiga cusub uu muhiim u yahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo ay si siman ugu tartami karaan dhammaan dhinacyada siyaasadda.
Sidoo kale, madaxweyne Qoor-Qoor ayaa hoosta ka xarriiqay inuu taageersan yahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, balse uu ku xiray fulinta arrimahaasi ka hor inta aan la guda gelin nidaamka doorashada.
Ugu dambeyn, waxgaradka iyo siyaasiyiinta Galmudug ayaa la sheegay inay doorbidayaan in khilaafka jira lagu dhammeeyo wadahadal iyo is-afgarad, halkii loo adeegsan lahaa awood iyo cadaadis siyaasadeed.
Si kastaba ha ahaatee, guddiga dhexdhexaadinta ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa inay mar kale kulan la yeeshaan Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), inkastoo ay jiraan shaki ku saabsan in wadahadalladaasi ay wax natiijo fiican kasoo bixi doonaan.