Siyaasiyiinta mucaaradka oo maanta kulan xasaasi ah la leh odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka oo haatan kulan ku leh Muqdisho

Siyaasiyiinta mucaaradka oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maanta kulan xasaasi ah la leh odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kaas oo ka dhacaya Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa la sheegay in diiradda lagu saari doonno xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadda sii xoogeysanaysa ee u dhaxeeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, xilli aan weli heshiis buuxa laga gaarin hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka oo hore u bilaabay dadaallo dhexdhexaadin ah ayaa la sheegay inay hore ula kulmeen labada dhinac ee is haya, iyagoo markale sii wada isku dayo lagu doonayo in lagu gaaro xal siyaasadeed oo lagu heshiiyo, si looga hortago sii socoshada khilaafka.

Dhinaca kale, xaaladda magaalada Muqdisho ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ahayd mid kacsan, iyadoo laga dareemay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo banaanbaxyo kala duwan oo ay kala abaabuleen dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Sidoo kale, banaanbaxyo dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay inay xiisadda amni kacdo, inkastoo aan weli si rasmi ah loo caddeyn khasaaraha ama faahfaahinta dhacdooyinka la xiriira, iyadoo ciidamada ammaanka la sheegay inay sare u qaadeen feejignaantooda si loo xaqiijiyo xasilloonida caasimadda.

Saraakiisha amniga dowladda ee ka howlgala agagaarka Villa Somalia ayaa dhankooda digniino ka soo saaray xaaladda, iyagoo sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo falal keeni kara qalqal amni, si loo ilaaliyo nabadgelyada guud ee magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, illaa iyo hataan lama oga natiijada rasmiga ah ee kasoo bixi doonta kulamada socda, iyadoo horey dadaallo noocan oo kale ah ay u fashilmeen, isla markaana ay jirto sugitaan ku aaddan in dhinacyadu ay gaaraan heshiis siyaasadeed oo waara.