Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta khudbad uu ka jeediyay masjidka isbahaysiga ee magaalada Muqdisho, kadib salaaddii ciidda, kaga hadlay xaaladda amniga dalka iyo muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in xaaladda amni ee magaalada Muqdisho ay si weyn u soo hagaagtay, isagoo xusay in dowladda federaalka ay dadaal badan gelisay sugidda amniga caasimadda iyo xasilloonida shacabka.
Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aan loo baahnayn in shacabka lagu abuuro cabsi iyo walaac siyaasadeed xilli, sida uu hadalka u dhigay, ay magaalada ku jirto marxalad amni oo wanaagsan.
“Waxaan umadda Soomaaliyeed rabaa inaa u sheego walaalayaal yaan la idinku cabsi gelin, waxaa la leeyahay balaayo ayaa dhacaysa, reer hebel qoryo la soo boodayaa, nin walbana tuuladiisa ayuu u laabanayaa, waxyaabahaasi shacabka lagu cabsi gelinayo waa kuwo aan loo baahnayn, waana nasiib darro in qof raba inuu dad dhan hoggaamiyo uu ereyadaasi ku hadaaqo” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale dhaliil u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka oo uu sheegay inay bulshada ku dhex faafinayaan hadallo keeni kara walaac iyo kala shaki siyaasadeed, isagoo tilmaamay inaysan habboonayn in shacabka lagu kiciyo cabsi la xiriirta xaaladda dalka.
Dhinaca kale, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa dhinacooda horey u muujiyay walaac ku aaddan hannaanka siyaasadeed iyo amniga guud ee dalka, inkastoo dowladda federaalka ay marar badan ku celcelisay in ay ka go’an tahay ilaalinta xasilloonida iyo wada hadal siyaasadeed.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kulamo ay kala wadaan siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda federaalka, kuwaas oo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.