Farmaajo oo si adag uga hadlay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa si adag uga hadlay dagaalada ka socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Farmaajo oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ku eedeeyay inuu dalka ku hoggaaminayo, sida uu sheegay, xaalad amni darro iyo barakicin, isagoo sidoo kale tilmaamay in ciidamada qalabka sida loo adeegsanayo arrimo siyaasadeed.

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in dowladdii uu isagu hoggaaminayay aysan cidna weerarin, balse burburkeeda uu ka dambeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Adigaa dumiyay dowladeydii, oo Mirinaayo galay, cid ku weerartayna ma jirin ee adigaa dadka ugu sheekeynayay in lagu weeraray, balse adigaa soo qaaday dagaal aan loo baahnayn,” Ayuu yiri Farmaajo

Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa ugu baaqay ciidamada qalabka sida inaan loo adeegsan khilaafaadka siyaasadeed iyo waxyeellada shacabka, isagoo ku adkeeyay in laga fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta khasaare iyo barakac saameeya shacabka Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray Farmaajo ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka, iyadoo dagaalada iyo dhaq-dhaqaaqyada socda ay saameyn ku yeesheen nolol-maalmeedka shacabka caasimadda ku nool, isla markaana sii kordhiyay walaaca laga qabo xaaladda guud ee dalka.