Ciidamada dowladda oo isaga baxay qaar ka mid ah goobihii ay isku horfadhiyeen xoogagga mucaaradka

Ciidamada dowladda oo isaga baxay qaar ka mid ah goobihii ay isku horfadhiyeen xoogagga mucaaradka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay dib uga baxeen qaar ka mid ah goobihii ay isku horfadhiyeen xoogagga mucaaradka, halkaas oo saacadihii u dambeeyay ay ka socdeen dagaalo culus.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya ciidamo ka guuraya qaar ka mid ah fariisimihii ay ka sameysteen degmooyinka ay dagaaladu ka dhaceen, gaar ahaan agagaarka hoyga ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, halkaas oo la sheegay inuu ka dhacay dagaalkii ugu xooganaa.

Warar aan weli si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu amar ku bixiyay in ciidamada dib looga soo celiyo goobahaasi, xilli ay isa soo tarayaan baaqyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee lagu dalbanayo in la joojiyo dagaallada ka socda Muqdisho.

Ciidamada dowladda oo isaga baxay qaar ka mid ah goobihii ay isku horfadhiyeen xoogagga mucaaradka

Sidoo kale, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in haatan ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee u dhaxeeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo la raadinayo waddo looga hortago in dagaalku mar kale dib u qarxo.

Dhinaca kale, waxaa sii kordhaya baaqyada iyo cadaadiska ka imaanaya beesha caalamka, gaar ahaan dowladaha Mareykanka iyo Midowga Yurub, kuwaas oo ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalada, isla markaana dib loogu laabto miiska wadahadalka si xal looga gaaro khilaafka taagan.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda magaalada Muqdisho ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira walaac laga qabo in xiisaddu dib u soo cusboonaato haddii aan xal siyaasadeed oo degdeg ah laga gaarin khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.