War-saxaafadeedka kasoo baxay maamulka Puntland ayaa si adag loogu cambaareeyay weerarro lagu sheegay in ciidamada dowladda federaalka ay ku qaadeen guryo ay Muqdisho ka degan yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.
Puntland ayaa tallaabooyinkaasi ku tilmaamtay kuwo khatar ku ah xasilloonida dalka iyo kala dambeynta, iyada oo xustay in mas’uuliyadda khasaarihii ka dhashay weerarradaas ay dusha ka saaran tahay madaxda sare ee dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Puntland ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay ka fogaadaan wax kasta oo horseedi kara iska horimaad, xiisad sii fidaysa ama dhaawac ku yimaada amniga guud ee dalka.
Ugu dambayn, Puntland ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo qabto shir wadatashi qaran oo ay isugu yimaadaan dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo dhammaan daneeyayaasha siyaasadda, si heshiis looga gaaro arrimaha doorashooyinka iyo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, loona ilaaliyo xasilloonida guud ee Soomaaliya.
