Warar laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in horumar laga sameeyay wadahadalladii dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay u socday madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad.
Wadahadalladaan oo diiradda lagu saarayay muranka ka taagan geeddi-socodka doorashada Galmudug iyo arrimo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee maamulka, ayaa la sheegay in laga gaaray isfaham hordhac ah oo ku saabsan qodobo muhiim u ah sii wadista wadahadallada.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku afgarteen in la sii ambaqaado dadaallada lagu ilaalinayo xasilloonida Galmudug, isla markaana la helo hannaan siyaasadeed oo lagu maareyn karo marxaladda kala guurka ee maamulka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in qodobada la isku afgartay ay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo lagu raadinayo xal siyaasadeed oo ku saabsan doorashada maamulka, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin faahfaahinta heshiiska la gaaray.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu gaaro magaalada Dhuusamareeb, si uu qayb uga noqdo dhammeystirka wadahadallada iyo dadaallada lagu xaqiijinayo heshiis rasmi ah oo ay dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin.
Wararka qaar ayaa sheegaya in wadahadallada lagu soo qaaday mustaqbalka musharraxiinta u tartamaya hoggaanka Galmudug, hase yeeshee ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo xaqiijinaya qodobada la isku afgartay ee la xiriira arrintaasi.
Ugu dambeyn, wadahadalladaan ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah xasilloonida Galmudug iyo qabsoomidda doorasho lagu wada qanci karo, xilli maamulka uu galay marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in faahfaahinta rasmiga ah ee heshiis kasta oo la gaaro la shaaciyo marka ay soo dhammaadaan kulamada socda, isla markaana ay madaxda dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug si wadajir ah uga hadlaan natiijooyinka kasoo baxa wada-hadalladaas.