Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa guddoomiyay kulan xasaasi ah oo looga hadlay xaaladda amniga deegaannada maamulka, gaar ahaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaas oo ay kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo saraakiisha kala duwan ee hay’adaha ammaanka.
Kulankaan oo ka dhacay magaalada Baydhabo, ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amniga, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka iyo maamulka, kor u qaadista feejignaanta ciidamada, iyo dardargelinta qorshayaasha lagu sugayo nabadda, xasilloonida iyo badqabka shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa warbixinno ku saabsan xaaladda amniga iyo howlaha socda ee lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada maamulka la wadaagay Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Madoobe, iyadoo sidoo kale la falanqeeyay caqabadaha jira iyo tallaabooyinka lagu xoojin karo amniga guud.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku amray hay’adaha ammaanka inay sii laba-jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga, ka hortagga falalka amni-darrada ah iyo ilaalinta shacabka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhow oo dhexmarta ciidamada ammaanka, maamulka iyo bulshada.

Sidoo kale, wuxuu xusay in amniga uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar, adeegyo bulsho iyo koboc dhaqaale, wuxuuna ku baaqay in la sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo xasillooni ka hanaqaadda guud ahaan deegaannada maamulka.
Si kastaba ha ahaatee, kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka Koonfur Galbeed uu dardargelinayo qorshayaal lagu xoojinayo amniga, laguna adkeynayo wada-shaqeynta ka dhaxeeysa hay’adaha kala duwan, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo badqabka bulshada.