Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb

Wafdi uu hoggaaminayo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb

Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Ra’iisul wasaare Xamse iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, iyo mas’uuliyiin ka tirsan heer federaal iyo heer maamul goboleed, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wafdi uu hoggaaminayo ra'isuul wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Safarka ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira dadaallada lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira arrimaha doorashooyinka Galmudug, iyadoo uu qorshuhu yahay inuu kulamo gaar ah la yeesho madaxweyne Qoor-Qoor iyo dhinacyada kale ee ay arrintan khuseyso.

Wafdi uu hoggaaminayo ra'isuul wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Amniga magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo dheeraad ah la dhigay goobaha muhiimka ah si loo xaqiijiyo nabadgelyada wafdiga ra’iisul wasaaraha iyo guud ahaan shacabka magaalada.

Wafdi uu hoggaaminayo ra'isuul wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Dhinaca kale, Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, oo horay uga waday magaalada wadahadallo dhowr wareeg ah oo uu la yeeshay Madaxweynaha Galmudug, kuwaas oo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed iyo muranka doorashooyinka.

Wafdi uu hoggaaminayo ra'isuul wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in wadahadallada socda ay haatan gaareen marxalad horumar leh, isla markaana ra’iisul wasaaraha uu qeyb ka noqon doono dadaallada lagu dhameystirayo is-afgarad siyaasadeed oo la xiriira mustaqbalka doorashada Galmudug.

Wafdi uu hoggaaminayo ra'isuul wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Sida qorshuhu yahay, haddii heshiis rasmi ah la gaaro, waxaa la filayaa in la guda galo diyaarinta hannaan doorasho oo laga hirgeliyo Galmudug, inkastoo weli aysan jirin faahfaahin rasmi ah oo laga shaaciyay natiijooyinka kama dambaysta ah.

Si kastaba ha ahaatee, shacabka Galmudug ayaa si dhow ula socda xaaladda siyaasadeed ee maamulka, iyagoo ka digaya in khilaafaadka socda ay saameyn ku yeeshaan xasilloonida iyo wadajirka bulshada deegaanka.