Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), uu caawa si rasmi ah u shaaciyay inuu gebi ahaan isaga haray tartanka doorashooyinka soo socda ee xilka madaxtinimada maamulkaas.
Madaxweyne Qoor-Qoor oo maalmihii u dambeeyay shirar kala duwan la lahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu gaaray is-afgarad la xiriira sidii uu si nabad ah uga degi lahaa xilka, arrintaas oo ay soo dhaweeyeen qaar ka mid ah dhinacyada siyaasadda.
Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in madaxweyne Qoor-Qoor uu sii joogi doono xarunta madaxtooyada Galmudug, halkaas oo uu ka sii wadi doono howlaha maamulka si ku-meelgaar ah, ilaa laga soo dooranayo hoggaanka cusub ee beddelaya.
“Waxaan gebi ahaan isaga haray tartanka doorashada soo socota, waxaana xilka sii hayn doonnaa illaa laga soo dooranayo hoggaanka maamulka, waxaana xilka ku wareejinayaa cid kasta oo kusoo baxda doorashada” Ayuu yiri madaxweyne Qoor-Qoor.
Si kastaba ha ahaatee, magaalada Dhuusamareeb ayaa maalmihii u dambeeysay ahayd meel ay si weyn uga socdeen kulamo siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka hoggaanka maamulka Galmudug.