Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay go’aankii Midowga Yurub uu ku adkeeyay bixinta fiisayaasha muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya aysan diiddanayn dib u soo celinta muwaadiniinteeda, balse ay muhiim tahay in marka hore la xaqiijiyo aqoonsiga dadka la soo celinayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeedinayay munaasabadda xuska maalinta xorriyadda 26-ka Juun ee gobolada waqooyi ayaa sheegay in wararka sheegaya in Soomaaliya ay diidday muwaadiniinteeda aysan sax ahayn, balse wuxuu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay qaabisho muwaadiniinteeda, hase yeeshee ay jirto baahi loo qabo in si dhab ah loo xaqiijiyo cidda la soo celinayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sannado badan ay jireen dad aan Soomaali ahayn oo dalal shisheeye ka codsaday magangelyo iyagoo sheeganaya dhalashada Soomaaliya, arrintaas oo keentay in dowladda ay ka taxaddarto habraacyada lagu soo celinayo dadka lagu sheegayo inay Soomaali yihiin.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax diidmo ah ka qabin soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan helin sharciyada deggenaanshaha dalalka Yurub, haddii la xaqiijiyo aqoonsigooda isla markaana la raaco habraacyada sharciga ah ee dib loogu soo celinayo.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in doodda taagan ee u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay ku saleysan tahay xaqiijinta muwaadinnimada dadka la celinayo, halkii ay ka ahaan lahayd diidmo guud oo ku saabsan soo celintooda.