Dowladda Soomaaliya oo heshiis dhowr qodob ka kooban la saxiixatay Talyaaniga

Dowladda Soomaaliya oo heshiis dhowr qodob ka kooban la saxiixatay Talyaaniga

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Talyaaniga, Matteo Piantedosi, oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta amni ee u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo ugu dambeyn ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad oo lagu dardargelinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo horumarinta hay’adaha ammaanka.

Dowladda Soomaaliya oo heshiis dhowr qodob ka kooban la saxiixatay Talyaaniga

Heshiiska ayaa ka kooban qodobo la xiriira tababarrada ciidanka booliska Soomaaliyeed, la-dagaallanka argagixisada, xoojinta awoodda hay’adaha amniga iyo iskaashiga ku saabsan arrimaha socdaalka iyo maareyntiisa.

Dowladda Soomaaliya oo heshiis dhowr qodob ka kooban la saxiixatay Talyaaniga

Sidoo kale, heshiiska ayaa si gaar ah u xoojinaya horumarinta barnaamijyada waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed ee ciidanka booliska Soomaaliyeed, iyadoo la tayeynayo aqoonta iyo xirfadaha tababarayaasha Soomaaliyeed, si ay door weyn uga qaataan tababarka ciidamada kale ee dalka.

Dowladda Soomaaliya oo heshiis dhowr qodob ka kooban la saxiixatay Talyaaniga

Waxaa sidoo kale heshiiska qeyb ka ah is-weydaarsiga saraakiisha amniga, booqashooyinka aqoon kororsiga, iyo is-dhaafsiga khibradaha iyo farsamooyinka casriga ah ee lagu horumarin karo hay’adaha amniga, si loo xoojiyo tayada iyo hufnaanta adeegyada amni ee dalka.

Dowladda Soomaaliya oo heshiis dhowr qodob ka kooban la saxiixatay Talyaaniga

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sheegay in heshiiskaan uu ka tarjumayo heerka wanaagsan ee xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga, isla markaana uu door muhiim ah ka qaadan doono dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo dhismaha hay’ado amni oo awood leh.