Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay qorsheynayso guluf dagaal oo uu ku tilmaamay mid kama dambeys ah, kaas oo guud ahaan dalka looga ciribtirayo kooxda Al-shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay munaasabad lagu soo xirayay toddobaadka xorriyadda ayaa sheegay inay muhiim tahay in xaaladda haatan lagu jiro gebi ahaanba laga soo afjaro halista ay kooxdu ku hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in dadaallada socda ay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo lagu doonayo in dalka oo dhan looga xoreeyo kooxdaas.
Wuxuu sheegay in muddo dhaw ay shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonaan faahfaahinta qorshaha howlgalka ee lagu dardargelinayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
“Waxay dowladda Soomaaliya qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah, kaas oo dalka looga saarayo Al-shabaab, qorshahaasna dhawaan ayaan shacabka la wadaagi doonnaa. Al-Shabaab waa dhib badan yihiin, waa dad xun oo maskaxda laga dhaqay, maankooduna uu gaaban yahay,” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah ugu baaqay dhallinyarada weli ku jira safka Al-shabaab ee raba inay kasoo noqdaan inay ka faa’iideystaan fursadda cafiska ay dowladda u fidineyso, isaga oo u ballanqaaday in la cafin doono lana soo dhaweyn doono.
“Cafis ayaan u fidinaynaa dhallinyaradeenna ku jirta kooxda argagixisada ee rabta inay kasoo noqoto; waxaan leeyahay kasoo noqda; cadaawad idinkama soo horreyso, bahdil, ceebeyn iyo caay idinkama soo horreyso; waad ogtihiin kuwii caqliga wanaagsanaa ee hore usoo noqday inay maanta ka mid yihiin hay’adaha dowladda iyo madaxda, idinkuna kama duwanadiin, iyaga ayaad la mid tihiin, ee kusoo noqda dowladdiina iyo dadkiina,” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda federaalka ay kordhisay howlgalada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana ay socdaan diyaargarowyo ciidan oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah kooxdaas.