Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa kulan ballaaran la yeeshay bulshada ku dhaqan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amniga degmada, horumarka ka socda deegaanka, dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo doorka shacabka ee taageerada ciidamada iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa shacabka Ceeldheer ku ammaanay taageerada ay u muujiyeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in iskaashiga ka dhaxeeya shacabka iyo ciidamada uu door muhiim ah ka qaatay guulaha laga gaaray howlgalada ka socda deegaannada gobolka Galgaduud.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada laga xoreeyay Al-shabaab, si shacabka ay u helaan adeegyada aasaasiga ah iyo horumar waara.
Dhinaca kale, Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo isna goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay doorka shacabka Ceeldheer ee garab istaagga ciidamada, isaga oo ku boorriyay inay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka.
Taliyaha ayaa xusay in shacabka iyo ciidamada oo si dhow u wada shaqeeya ay muhiim u yihiin guusha howlgalada socda, gaar ahaan dadaallada lagu ciribtirayo kooxda Al-shabaab iyo xaqiijinta amni waara oo ka hanaqaada deegaannada dalka.
Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa qeyb ka ah socdaalka ay mas’uuliyiintan ku joogaan degmada Ceeldheer, halkaas oo ay u tageen kormeerka xaaladda amniga iyo dhiirrigelinta ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka.