Golaha wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo caalami ah oo ay la galeen dalalka, Turkmenistan, Hindiya iyo Masar

Golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku falanqeeyay khatarta ka dhalan karta roobabka Super El Niño, iyadoo wasaaradda beeraha iyo waraabka ay soo bandhigtay warbixin ka digaysa saameynta la filayo inay ku yeeshaan dalka.

Warbixinta ayaa muujisay in Soomaaliya ay wajihi karto fatahaado, daadad degdeg ah iyo barakac, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara beeraha, xoolaha, wax soo saarka iyo amniga cunnada, iyadoona sidoo kale, lasoo bandhigay qorshe qaran oo lagu xoojinayo u diyaargarowga iyo tallaabooyinka lagu yaraynayo saameynta ka dhalan karta El Niño.

Qorshaha ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda iyo kor u qaadista awoodda ka jawaabista xaaladaha degdegga ah, iyadoo mudnaanta la siinayo badbaadada shacabka, ilaalinta wax soo saarka beeraha iyo sugnaanta cuntada dalka.

Kulanka oo uu guddoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyay habraaca isku-xirka farriimaha dowladda ee xilliyada xaaladaha degdegga ah ee la xiriira falalka argagixisada.

Golaha wasiirrada ayaa intaas kadib meel mariyay saddex heshiis is-afgarad oo Soomaaliya la gashay dalal kala duwan, kuwaas oo kala ah heshiis wadatashi siyaasadeed oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkmenistan, heshiis la mid ah oo dhex maray Soomaaliya iyo Hindiya, iyo heshiis iskaashi oo Soomaaliya iyo Masar ku gaareen dhinacyada gaadiidka badda iyo dekedaha.

Si kastaba ha ahaatee, go’aannadaan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda federaaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo u diyaar-garowga masiibooyinka dabiiciga ah iyo ballaarinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka.