Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta dhagax-dhigay mashruuca dhismaha afar waddo oo laami ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta dhagax-dhigay mashruuca dhismaha afar waddo oo laami ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuca dhismaha afar waddo oo laami ah oo laga fulinayo degmada Hodan, kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda.

Waddooyinkan oo hore u ahaa jid-cadayaal ayaa loo beddeli doonaa laamiyo, waxaana la filayaa inay door muhiim ah ka qaataan fududeynta isu-socodka gaadiidka iyo shacabka ku nool degmada Hodan iyo deegaannada ku dhow.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta dhagax-dhigay mashruuca dhismaha afar waddo oo laami ah
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta dhagax-dhigay mashruuca dhismaha afar waddo oo laami ah

Guddoomiye Muungaab oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu dardargelinayo hirgelinta mashaariicda lagu tayeynayo waddooyinka, bullaacadaha iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah bulshada, isagoona xusay in dhismaha waddooyinkan uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah iyo kaabayaasha casriga ah ee magaalada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta dhagax-dhigay mashruuca dhismaha afar waddo oo laami ah

Sidoo kale, guddoomiye Muungaab ayaa ugu baaqay shirkadaha bixiya adeegyada bulshada inay si buuxda ula shaqeeyaan maamulka gobolka, islamarkaana aysan carqaladeyn howlaha socda, si mashaariicda loo dhammeystiro waqtigii loogu talagalay iyadoo la ilaalinayo danta guud.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta dhagax-dhigay mashruuca dhismaha afar waddo oo laami ah
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta dhagax-dhigay mashruuca dhismaha afar waddo oo laami ah

Si kastaba ha ahaatee, mashruuca dhismaha afarta waddo ee degmada Hodan ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka gobolka Banaadir uu xoojinayo qorshayaasha dib-u-dhiska iyo casriyeynta Muqdisho, kuwaas oo lagu doonayo in kor loogu qaado bilicda caasimadda iyo tayada adeegyada ay helaan shacabka.