Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray xarunta taliska guutada 77 ee ciidanka xoogga dalka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta taliska guutada 77 ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, oo dib-u-dhis iyo casriyeyn ballaaran lagu sameeyay, taas oo qaabilsan amniga madaxtooyada qaranka iyo ilaalinta madaxda dowladda.

Munaasabadda furitaanka kaddib, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee taliska oo dib loo dhisay, kuwaas oo ay ka mid yihiin xafiisyada taliska, xarumaha ururrada ciidanka, isbitaalka, xabsiga iyo masaajidka guutada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqday goob lagu maamuusay xusuusta saraakiishii iyo askartii guutada 77 uga shahiiday dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, isagoona sidoo kale kormeeray masaajidka taliska oo loogu magac daray Halyeey Maxamed Xayle, oo ku geeriyooday dagaallada lagu xoreynayay deegaanno ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay taliska guutada 77 iyo ciidamadiisa doorka ay ka qaateen sugidda amniga madaxtooyada iyo ilaalinta madaxda qaranka, isagoo xusay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda tan iyo markii ay la wareegeen mas’uuliyaddaas kadib bixitaankii ciidamadii ATMIS ee hore u hayay howlahaasi.

Si kastaba ha ahaatee, furitaanka xarunta la casriyeeyay ee taliska guutada 77 ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ee lagu tayeynayo ciidamada qalabka sida iyo kor u qaadidda awoodda hay’adaha amniga ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xariga ka jaray xarunta taliska guutada 77 ee ciidanka xoogga dalka