Taliyihii saldhigga booliska degmada Jariiban ee gobolka Mudug, Gaashaanle Guuleed C/qaadir Kadleeye, ayaa xalay lagu dilay degmadaasi kadib weerar uu geystay qof hubeysan, sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka.
Ciidamada booliska Puntland ayaa howlgal ay sameeyeen dillkaasi kadib, kusoo qabtay hal ruux oo lagu tuhunsan yahay inuu dilkaasi ka dambeeyay, kaas oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Axmed Kooshin.
Taliska booliska Puntland ayaa sheegay in eedeysanaha lagu qabtay howlgal ay ciidamada ka fuliyeen gudaha magaalada Jariiban, kadib markii la sheegay inuu ka baxsaday goobta uu dilku ka dhacay.
Eedeysanaha ayaa la sheegay in loo gudbin doono hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh, si loo mariyo hannaanka cadaaladda.
Allaha u naxariistee, taliye Guuleed C/qaadir Kadleeye ayaa la sheegay inuu ahaa sarkaal muddo ka tirsanaa booliska Puntland, kaas oo ka shaqeynayay sugidda amniga degmada Jariiban iyo la-dagaallanka dadka amniga degmadaasi wax u dhimaya.
Dhinaca kale, dilka taliyaha ayaa saameyn ku yeeshay bulshada degmada Jariiban iyo guud ahaan gobolka Mudug, iyadoo shacabka iyo mas’uuliyiintu ay ka tacsiyeeyeen geerida sarkaalkan oo door ku lahaa howlaha amniga.
Si kastaba ha ahaatee, dilka taliyaha ayaa kusoo beegmaysa xilli Puntland ay waddo howlgallo lagu xoojinayo amniga deegaannadeeda, iyadoo laamaha ammaanku ay sheegeen inay sii wadi doonaan baaritaanka kiiska iyo tallaabooyinka sharci ee ka dhanka ah cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd dilka.