Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa dhaliil ka muujiyay hannaanka doorashooyinka ka socda dalka, isagoo sheegay in doorashooyinkii ka dhacay Muqdisho iyo Koonfur Galbeed, iyo doorashada la qorsheynayo inay ka dhacdo Galmudug, aysan ku dhisnayn cadaalad iyo hannaan loo dhan yahay.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in doorashooyinkaas ay yihiin kuwo aan ku saleysneyn is-afgarad siyaasadeed, isla markaana uu jiro walaac ku saabsan in shacabka deegaannada ay ka dhacayaan aan si buuxda loo siin fursad ay ku doortaan cidda hoggaanka qabanaysa.
Dhinaca kale, Sheekh Shariif ayaa ka hadlay xaaladda amniga dalka, isagoo sheegay in weli ay jiraan caqabado waaweyn oo dhinaca amniga ah, islamarkaana aanay jirin meel Soomaaliya ka mid ah oo si buuxda loogu kalsoonaan karo amni ahaan.
“Dalkeenna meel amni ah oo boqolkiiba boqol la isku halayn karo ma jirto, haddii ciidamada AUSSOM oo hore loo yaqaanay AMISOM ay ka baxaan dalka, ciidankeenuna sida aan aragnay u kala daadsan yahay, halis ayaan ku jirnaa,” Sidaas waxaa yiri Sheekh Shariif.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda federaalka iyo mucaaradka ay isku khilaafsan yihiin hannaanka doorashooyinka iyo wax ka badelka dastuurka Soomaaliya.