Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha dugsi hoose iyo dhexe oo laga dhisayo waaxda Xaaji-Cabdi ee degmada Gubadley, kaas oo la qorsheeyay inuu bixiyo waxbarasho lacag la’aan ah, si loo ballaariyo fursadaha waxbarasho ee carruurta ku nool deegaanka iyo nawaaxigiisa.


Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, agaasimaha guud ee agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir C/raxmaan Cali Maxamed, maamulka degmada, odayaal, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.


Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa ku tilmaamay mashruucaan mid muhiim u ah horumarinta waxbarashada iyo kordhinta adeegyada ay bulshada deegaanka heli karto.
Guddoomiye Muungaab oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in maamulka uu sii wado hirgelinta mashaariicda horumarineed ee loogu talagalay adeegyada bulshada, isaga oo xusay in dhismaha xarumaha waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah ay ka mid yihiin mudnaanta koowaad ee maamulka.


Waxa uu tilmaamay in mashaariicda la daah-furo ama la dhagax-dhigo ay yihiin kuwo loogu talagalay in si dhab ah loo fuliyo, si bulshada ay uga faa’iideysato adeegyo waara oo tayo leh.
Sidoo kale, waxa uu guddoomiyihu carrabka ku adkeeyay muhiimadda waxbarashadu u leedahay horumarka bulshada, isaga oo sheegay in aqoontu ay tahay saldhigga lagu gaari karo koboc dhaqaale, horumar bulsho iyo yareynta caqabadaha ka dhasha aqoon la’aanta, islamarkaana maamulka gobolka Banaadir uu mudnaan gaar ah siinayo maalgelinta iyo horumarinta adeegyada waxbarashada, si loo helo jiilal aqoon leh oo kaalin muuqata ka qaata horumarka dalka.


Waxa uu intaas ku daray in dugsiga cusub uu wax weyn ka tari doono baahida waxbarasho ee ka jirta Xaaji-Cabdi iyo deegaanada ku dhow, gaar ahaan qoysaska aan awoodin kharashaadka waxbarashada.


Ugu dambeyn, guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu qorsheynayo ballaarinta mashaariicda la xiriira waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee bulshada, kuwaas oo qayb ka ah qorshaha lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah ee ay shacabka caasimaddu u baahan yihiin.


Si kastaba ha ahaatee, dhismaha dugsigan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka gobolka Banaadir uu xoojinayo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada, iyadoo waxbarashada loo arko tiirka ugu muhiimsan ee lagu kobcin karo aqoonta, lagu diyaarin karo jiilal karti leh, laguna xaqiijin karo horumar waara oo bulshada Soomaaliyeed ay ka wada faa’iidaysato.