Nin lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilka taliyihii saldhigga booliiska degmada Jariiban ee gobolka Mudug, Gaashaanle Guuleed C/qaadir Kadleeye, ayaa saakay lagu fuliyay xukun qisaas ah oo ay soo saareen hay’adaha garsoorka Puntland, kadib heshiis dhex maray qoyska marxuumka iyo qoyska eedeysanaha.
Ibraahim Axmed Kooshin oo ahaa ninka lagu fuliyay xukunka qisaasta ah ayaa la sheegay in ciidamada ammaanku ay soo qabteen wax yar kadib dilka taliyaha, isagoona kadib loo gudbiyay hay’adaha garsoorka, kuwaas oo ku riday xukun dil ah oo maanta laga fuliyay degmada Jariiban.
Qoyska marxuum Guuleed C/qaadir Kadleeye ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin go’aanka laga gaaray kiiska, iyagoo tilmaamay in caddaaladda la mariyay eedeysanaha, waxayna sidoo kale uga mahad celiyeen ciidamada ammaanka dadaalkii ay ku soo qabteen ninka loo haystay falka dilka ah.
Gaashaanle Guuleed C/qaadir Kadleeye ayaa ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliyeed, wuxuuna hore uga tirsanaa ciidamadii Gorgor ee tababarka ku soo qaatay dalka Turkiga xilligii dowladdii Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, isagoo kadib kamid noqday saraakiishii loo kala diray degmooyinka Puntland, si ay uga qeyb qaataan xoojinta howlaha sugidda amniga.
Allaha u naxariistee, Gaashaanle Guuleed C/qaadir Kadleeye ayaa sidoo kale door weyn ka qaatay howlaha lagu xoojinayay amniga degmada Jariiban, gaar ahaan kuwa la xiriira adkeynta amniga iyo horumarinta shaqada ciidamada booliiska ee deegaanka.
Si kastaba ha ahaatee, degmada Jariiban ayaa kamid ah degmooyinka muhiimka ah ee gobolka Mudug, waxaana ka socda howlo amni oo ay qeyb ka yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo deegaanka uu muhiim u yahay dhinacyada amniga iyo maamulka gobolka.