Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay Mareykanka ku wareejisay eedeysane C/kariim C/laahi Ciidle, oo ay maxkamad federaal ah oo Mareykan ah u raadineysay eedeymo la xiriira musuq-maasuq iyo dambiyo maaliyadeed.
Eedeysane C/kariim C/laahi Ciidle, oo 42 jir ah, ayaa laga soo qaaday Soomaaliya, waxaana loo qaaday gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku wajahayo dacwadaha loo haysto.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku saabsan wareejinta C/kariim, hase yeeshee dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in C/kariim loo gudbiyay gacanta hay’adaha Mareykanka, isagoo wajahaya 31 dacwadood oo federaal ah.
Saraakiil ka tirsan hay’adda baarista federaalka Mareykanka (FBI) ayaa la sheegay inay C/kariim kasoo galbiyeen Soomaaliya, kaddib iskaashi dhex maray hay’adaha Mareykanka iyo hay’adaha amniga Soomaaliya, oo ay kamid yihiin hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA) iyo ciidanka booliiska Soomaaliyeed.
Eedeysane C/kariim C/laahi Ciidle, oo horey u deggenaa magaalada Burnsville ee gobolka Minnesota, ayaa lagu soo oogay dacwado ay kamid yihiin khiyaano dhinaca isgaarsiinta ah, laaluush la xiriira barnaamijyo dowladeed iyo lacag-dhaqid.
Dhinaca kale, ciidamada nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa eedeysane C/kariim C/laahi Ciidle ku qabtay magaalada Muqdisho 25-kii June, ku dhowaad afar sano kaddib markii maxkamad federaal ah oo Mareykanka ah ay soo saartay waaran lagu soo xirayo.
Si kastaba ha ahaatee, wareejinta eedeysane C/kariim ayaa kusoo beegmaysa xilli uu sii xoogeysanayo iskaashiga dhinaca amniga iyo dambi-baarista ee Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan dadaallada lagu xakameynayo dambiyada abaabulan iyo kuwa la xiriira musuq-maasuqa maaliyadeed.