Dab aad u xooggan ayaa saaka ka kacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan qeybta Cabdalle Shideeye, kaas oo si weyn ugu fiday goobo ganacsi oo ku yaalla gudaha suuqa, iyadoo dadaallo lagu xakameynayo dabka ay weli ka socdaan goobta.
Dabkan ayaa sababay in qiiq badan iyo holac xooggan, waxaana goobta isugu soo baxay ganacsato, shaqaale iyo dad kale oo isku dayaya inay ka qeyb qaataan daminta dabka iyo badbaadinta hantida ku jirta xarumaha ganacsiga.

Muuqaallo laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya dabka oo si xooggan u holcaya, halka dadka ku sugan suuqa ay wadaan dadaallo lagu yareynayo khasaaraha ka dhalan kara haddii uu dabku sii faafo.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dabku uu gaaray qaar ka mid ah goobaha ganacsi ee ku yaalla qeybta Cabdalle Shideeye, hase yeeshee weli lama helin qiimeyn rasmi ah oo ku saabsan baaxadda khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay.

Ilaa iyo haatan lama oga sababta keentay dabka, waxaana weli socda howlaha gurmadka iyo dadaallada lagu xakameynayo xaaladda.

Si kastaba ha ahaatee, suuqa Bakaaraha, oo ah xarunta ugu weyn ee ganacsiga Soomaaliya, ayaa horey waxaa uga dhacay dabab sababay khasaare hantiyeed oo baaxad leh, kuwaas oo saameeyay ganacsato badan.