Dabkii saaka ka kacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo la damiyay

Dabkii saaka ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo la damiyay

Ciidamada dab-damiska iyo gurmadka deg-degga ah ee maamulka gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay si buuxda u damiyaan dab xooggan oo saaka ka kacay qeyb ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare hantiyeed oo soo gaaray ganacsatada suuqa.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo tan iyo saaka ku sugnaa goobta uu dabku ka kacay ayaa warbaahinta u sheegay in lagu guuleystay xakameynta dabka kaddib howlgal wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada dab-damiska, kooxaha gurmadka deg-degga ah, ganacsatada iyo shirkado ka qeyb qaatay gurmadka.

Sidoo kale, waxaa la bilaabay baaritaanno lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee keentay dabka, iyadoo dabku uu saameeyay xarumo ganacsi iyo hanti kala duwan, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin baaxadda guud ee khasaaraha uu geystay.

Dhinaca kale, waxaa haatan bilawday qiimeynta khasaaraha ka dhashay dabkan, iyadoo weli la sugayo warbixin rasmi ah oo faahfaahin ka bixin doonta heerka waxyeellada gaartay goobaha ganacsiga.

Si kastaba ha ahaatee, suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa ah xarunta ugu weyn ee ganacsiga Soomaaliya, waxaana dababka noocan oo kale ah ay saameyn toos ah ku yeeshaan boqolaal ganacsato iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqa ganacsi ee magaalada Muqdisho.