Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadallada magaalada Muqdisho uga socda dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha siyaasadda dalka iyo hannaanka doorashooyinka.
Ra’iisul wasaare Xamse oo ka hadlay munaasabadda qalin-jabinta dufcaddii kowaad ee heerka master-ka dacwada iyo garsoorka ayaa sheegay in kulamada socda ay muhiim u yihiin dhismaha is-afgarad siyaasadeed oo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada kala duwan, isagoo xusay in wadahadalladu ku socdaan jawi wanaagsan oo ay jirto fursad lagu gaari karo heshiis mideeya aragtiyada dhinacyada ka qeyb galaya.
Wuxuu tilmaamay in dowladda federaalku ay doorbideyso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal iyo heshiis, halkii ay ka dhalan lahaayeen kala fogaansho, isagoo sheegay in xukuumaddu sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo kalsoonida iyo wada shaqeynta siyaasadeed.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dib-u-habeynta nidaamka siyaasadeed iyo horumarinta hannaanka doorashooyinka ay yihiin arrimo muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay go’aamiyaan cidda hoggaaminaysa dalka.
Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay dowladda kala shaqeeyaan, isla markaana garab ku siiyaan dardargelinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab iyo ilaalinta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, wadahadalladan u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo lagu raadinayo heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, jihada siyaasadeed ee dalka iyo mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya.