Agaasimaha hay’adda NISA iyo Liibaan Shuluq oo kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho

Agaasimaha hay'adda NISA iyo Liibaan Shuluq oo kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, iyo musharraxa xilka madaxweynaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq), ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Sirdoonka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo ahaa mid xasaasi ah, isla markaana socday muddo saacado ah, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee maamulka Galmudug iyo diyaar-garowga doorashada la filayo in lagu soo doorto hoggaanka cusub ee maamulkaas.

Labada dhinac ayaa sida la sheegay kulankooda uga hadlay qaab-dhismeedka doorashada, iyo sidii loo heli lahaa hannaan heshiis lagu wada yahay oo ka hortaga khilaaf iyo is-jiid-jiid siyaasadeed, iyadoona la isla gartay muhiimadda ay leedahay in doorashadu u dhacdo si nabdoon, loogana fogaado wax kasta oo keeni kara xiisad siyaasadeed ama amni.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo Agaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad, ayaa la filayaa inay dhawaan socdaal ku tagaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, si ay halkaasi wadahadalo ula yeeshaan madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Wadahadaladaas ayaa la sheegayaa in diiradda lagu saari doonno sidii loo xaqiijin lahaa hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay, islamarkaana loo yareyn lahaa tabashooyinka ka imaan kara dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, kulankaan magaalada Muqdisho ku dhex maray Mahad Maxamed Salaad iyo Liibaan Shuluq ayaa kusoo beegmaya xilli xaaladda siyaasadeed ee maamulka Galmudug ay marayso meel xasaasi ah, iyadoo doorashada soo socota ay saameyn weyn ku yeelan karto degganaanshaha siyaasadeed ee gobolka.