Waxaa maanta qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ka socda banaanbax aad u ballaaran oo looga soo horjeedo xadgudubka ay Israel kula kacday midnimada Soomaaliya.
Banaanbaxaan oo ay soo qaban-qaabiyeen culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa illaa iyo haatan ka socda taallada Dajirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.
Waxaa sidoo kale banaanbaxaan ka qeyb qaadanaya bulshadda qeybaheeda kala duwan, mas’uulliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo madax kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa muujinaya sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israel ay kusoo xad-gudubtay midnimada Soomaaliya, iyagoona sheegay inay diyaar u yihiin illaalinta iyo difaaca midnimada Soomaaliya.
Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka islamarkaana goobta ka hadlay ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay waajib ku tahay difaaca midnimada dalka, islamarkaana ku baaqay in si weyn looga soo horjeesto dhagarta Israel la damacsan tahay kala qeybinta Shacabka Soomaaliyeed.
Si kastaba ha ahaatee, banaanbaxaan ayaa kusoo beegmaya xilli maalintii shalay uu magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland booqasho ku yimid wasiirka arrimaha dibada Israel Gideo Sa’ar, halkaas oo uu kulla kulmay madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro.