Ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 162-aad, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaannada Lafa-gari, Xabala Afwaax iyo dhulal kale oo ka tirsan gobolka J/hoose, halkaas oo lagu beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.
Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgallada, ciidamada ayaa ku guuleystay inay burburiyaan goobo iyo gabaadyo ay Al-shabaab u adeegsan jirtay dhaq-dhaqaaqyada iyo abaabulka dagaal.
Sawirro ay soo bandhigeen ciidamada Danab ayaa muujinayay godad iyo fariisimo ku yaallay dhulka howdka ah ee laga fuliyay howlgallada, kuwaas oo, sida la sheegay, ay kooxda iyo horjoogayaasheedu u adeegsan jireen gabaad iyo qorsheynta hawlahooda.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan, iyadoo la bartilmaameedsanayo xarumaha, goobaha gabaadka u ah iyo dhaq-dhaqaaqyada Al-shabaab ee gobolka J/hoose.
Si kastaba ha ahaatee, howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobollada kala duwan ee dalka, kuwaas oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda kooxda laguna xoojiyo amniga deegaannada laga saaray.