Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu wadaa inuu ka furmo kulan u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan golaha mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah oo la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Kulankaan ayaa la sheegay in diiradda lagu saari doonno hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, khilaafka ka taagan arrimaha dastuurka iyo jihada loo marayo marxaladda kala-guurka siyaasadeed ee dalka.
Sidoo kale kulankaan ayaan loo oggolaan doonin warbaahinta, waxaana ka qaybgalaya wakiillo ka socda dowladda Turkiga, danjireyaal ka kala socda dalalka reer galbeedka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu taageerayo wada-hadallada siyaasadeed.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegayaa inay kulankaan kusoo bandhigi doonaan soo jeedin ku saabsan qaab doorasho oo cusub, kaas oo ku saleysan nidaamka qof iyo cod ah, balse lagu qabanaayo goobo kooban oo dalka ka mid ah.
Dhinaca kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa iyadana dooneysa in la qabto doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda goobo badan oo dalka ah, iyadoo qorshaha dowladda uu yahay in doorashadaasi ay dhacdo ka hor inta uusan sanadkaan dhammaan.
Si kastaba ha ahaatee, kulankaan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah jihada siyaasadeed ee Soomaaliya, maadaama heshiis ama is-afgarad laga gaaro qodobada la isku haayo uu saameyn ku yeelan karo hannaanka doorashooyinka iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.