Dowladda Hindiya oo shaacisay mowqifkeeda ku aadan Aqoonsiga Somaliland

Dowladda Hindiya oo shaacisay mowqifkeeda ku aadan Aqoonsiga Somaliland
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya Randhir Jaiswal

Dowladda Hindiya ayaa shaacisay inay ka soo horjeeddo aqoonsigii dhawaan ay Israel ku aqoonsatay Somaliland, iyadoo mar kale adkaysay taageerada ay u hayso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya Randhir Jaiswal oo shir jaraa’id qabtay ayaa caddeeyay mowqifka diblomaasiyadeed ee Hindiya, wuxuuna xusay xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya.

“Waxaan mar kale xaqiijinaynaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” Sidaasi waxaa yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya Randhir Jaiswal.

Dowladda Hindiya ayaa ka mid ah dowladdaha quwadaha waaweyn ku leh caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah, islamarkaana xiriir taariikhi ah kala dhexeeya Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray Hindiya ayaa kusoo beegmaya xilli muddooyinkii dambe ay sii kordhayaan cambaareynta caalamiga ah ee ku aaddan tallaabadii ay ku kacday Israel ee aqoonsiga Somaliland.