Hay’adaha ammaanka ee Kenya ayaa soo saaray warbixin ay ku faahfaahinayaan sababaha rasmiga ah ee ka dambeysay masaafurintii ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya, Jibriil C/rashiid Xaaji Cabdi ee Kenya, kaas oo dhawaan dib looga celiyay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.
Warbixinta ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in mas’uulkan lagu tuhunsan yahay falal ay dowladda Kenya ku tilmaantay kuwo khatar ku ah ammaanka qaranka, isla markaana saameyn ku yeelan kara xasilloonida deegaannada ku yaalla xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Waxay Kenya ku eedeysay Jibriil C/rashiid inuu ku lug lahaa daabulista hub loo wareejinayay mid ka mid ah magaalooyinka ku dhaw xadka, islamarkaana loo qorsheynayay in lagu taageero maleeshiyo beeleed, arrintaas oo ay Kenya ku tilmaantay mid halis ku ah nabadgelyada iyo xasilloonida deegaanka.
Dhinaca kale, Jibriil C/rashiid Xaaji ayaa sidoo kale, lagu eedeeyay inuu haystay baasaboor Kenyan ah oo qaab sharci-darro ah uu ku helay, iyadoo ilaa iyo haatan wax jawaab rasmi ah uusan ka bixin eedeymahaas loo jeediyay.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin dhacdadaan iyo eedeynta ay Kenya u jeedisay mas’uulkan sare ee ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.