Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada hoggaanka goleyaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir, taas oo ka mid ah tallaabooyinka lagu xoojinayo nidaamka dowladaha hoose iyo ballaarinta geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.
War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu caddeeyey in doorashada guddoonnada iyo guddoomiye ku-xigeennada goleyaasha deegaanka la qaban doono 5-ta bisha Luulyo ee sanadkan 2026.
Doorashadan ayaa la filayaa inay qabtaan xubnaha goleyaasha deegaanka ee hore loogu doortay degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo dooran doona hoggaanka cusub ee goleyaasha si ay u hoggaamiyaan howlaha maamulka heer deegaan.
Dhinaca kale, wasaaraddu waxay farriin u dirtay ururrada siyaasadeed ee ka qeyb galay doorashooyinkii goleyaasha deegaanka, iyadoo ku boorrisay inay u diyaar garoobaan marxaladda xigta ee doorashada, isla markaana ay la jaanqaadaan jadwalka la qorsheeyey.
Muddada loo asteeyey doorashadaan ayaa kusoo beegmaysa Toddobaadka Xorriyadda Soomaaliyeed, xilli guud ahaan dalka ay ka socdaan munaasabado lagu xusayo maalmaha taariikhiga ah ee xorriyadda Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, doorashadan ayaa lagu wadaa inay door muhiim ah ka qaadato dhammaystirka hanaanka goleyaasha deegaanka ee gobolka Banaadir, iyadoo dowladda federaalku ay hore u sheegtay inay mudnaan gaar ah siinayso hirgelinta nidaam siyaasadeed oo ku salaysan matalaad dadweyne, isla xisaabtan iyo awood-qaybsi ku dhisan rabitaanka shacabka.
