Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ayaa fuliyay howlgal duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday deegaanka Suullaay ee gobolka Hiiraan, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 21-ka bishan uu howlgalku ka dhacay deegaanka Suullaay oo qiyaastii 17 kiiloomitir dhanka koonfureed kaga beegan deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay 18 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab, halka 21 kale lagu dhaawacay.
Wasaaradda ayaa sheegtay in duqeynta sidoo kale lagu burburiyay hal gaari dagaal ah oo ay kooxda Al-shabaab adeegsanaysay, iyo fariisimo iyo dhufeysyo ay ku lahaayeen deegaankaas.
Dhinaca kale, wasaaradda gaashaandhigga ayaa bogaadisay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed howlkalnimada iyo geesinimada ay muujiyeen, iyadoo sidoo kale uga mahadcelisay saaxiibada caalamka taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo la dagaallanka Al-shabaab.
Ugu dambeyn, wasaaradda gaashaandhiga ayaa sheegtay in ciidamada dowladda iyo saaxiibbada caalamka ay sii wadi doonaan howlgalada lagu beegsanayo fariisimaha iyo awoodda Al-shabaab, iyadoo mudnaanta la siinayo badbaadada shacabka iyo xasilloonida dalka.
Si kastaba ha ahaatee, howlgalkan ka dhacay gobolka Hiiraan ayaa qeyb ka ah dhaq-dhaqaaqyada milatari ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ka waddo deegaanno ka tirsan guud ahaan gobolada dalka, kuwaas oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda iyo dhaqdhaqaaqyada Al-shabaab.
