Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah, ayaa 1-dii iyo 2-dii Luulyo 2026 fuliyay duqeymo qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo iyo goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab deegaannada Tawakal, Nuun Garre iyo Ugunji oo ka wada tirsan gobolka Sh/hoose.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay, in duqeymahaasi lagu dilay 27 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, halka tiro kale oo lagu sheegay labaatameeyo ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale, waxay wasaaraddu sheegtay in howlgalka lagu burburiyay gaadiid, hub, saanad ciidan iyo fariisimo ay kooxdaasi u adeegsan jirtay abaabulka iyo fulinta weerarrada ay ka geysato deegaannada kala duwan ee dalka.
Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa duqeymahan ku tilmaamtay inay qeyb ka yihiin howlgallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-shabaab, laguna beegsanayo xarumaha iyo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha kooxda.
Ugu dambeyn, wasaaradda gaashaandhigga ayaa uga mahadcelisay saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo taageerada ay siiyaan ciidamada qalabka sida ee ku howlan sugidda amniga dalka.
Si kastaba ha ahaatee, wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa markale caddeeyay inay sii wadi doonaan howlgallada militari ee lagu bartilmaameedsanayo kooxda Al-shabaab, ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan amniga iyo xasilloonida dalka.
