Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa ka hadlay kulan shalay magaalada Muqdisho ku dhex maray wakiillo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xisbiga Nabad iyo Nolol, isaga oo sheegay in kulankaasi uu qayb ka yahay dadaallada lagu dardargelinayo wadahadallada siyaasadeed ee dalka.
Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in kulanka uu ku qabsoomay jawi wanaagsan oo ku dhisan isfaham iyo isdhageysi, isla markaana dhinacyadii ka qeyb galay ay isku raaceen in la sii wado wadatashiyada ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.
Waxa uu tilmaamay in kulamada socda ay salka ku hayaan sidii loo abuuri lahaa xasillooni siyaasadeed oo waarta, korna loogu qaadi lahaa amniga iyo horumarka dalka, isagoona sidoo kale adkeeyay in wada shaqeynta iyo isu soo dhowaanshaha dhinacyada siyaasadda ay muhiim u yihiin xaqiijinta himilooyinka qaran.
Kulanka ayaa lagu tilmaamay mid ka tirsan dadaallada socda ee lagu raadinayo is-afgarad siyaasadeed oo saldhig u noqda hannaan doorasho oo loo dhan yahay, iyadoo dhinacyadu ay wadaan wadatashiyo lagu yaraynayo kala aragti duwanaanshaha ka jira masraxa siyaasadda.
Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiye kaalinta ay ka qaadaneyso fududeynta wadahadallada u dhexeeya dhinacyada Soomaalida, isaga oo xusay in taageerada noocaas ah ay gacan ka geysan karto horumarinta dadaallada lagu gaarayo heshiis siyaasadeed oo waara.
