Farmaajo oo si adag u dhaliilay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan khilaafaadka siyaasadeed ee taagan, amniga sii xumaanaya, iyo dagaalo dhawaan ka dhacay qaybo ka mid ah caasimadda.

Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad adag iyo khalkhal siyaasadeed oo u baahan xal degdeg ah, isagoo si gaar ah u tilmaamay in khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka uu sii adkaanayo, isla markaana uu saameyn ku yeelanayo xasilloonida dalka.

“Dalka wuxuu galay khalkhal siyaasadeed, waxaana nooga faa’ideysanaya cadowgeena iyo qof walba oo ku farxaayo marxaladda ee ku jirto Soomaaliya” Sidaas waxaa yiri Farmaajo

Wuxuu si adag u dhaliilay tallaabooyinka ugu dambeeyay ee dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku baaqay in si deg-deg ah loo dhammeeyo is-mari-waaga siyaasadeed ee jira, loona gudbo wadahadal dhab ah oo lagu xalliyo khilaafaadka.

Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dhinacyada mucaaradka, isagoo tacsi u diray madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kadib weerar lagu qaaday hoygiisa, kaas oo sababay khasaare iyo dhaawac soo gaaray ilaaladiisa.

“Marka hore waxaan tacsi u dirayaa madaxweyne Shariif, oo lagu sameeyay fal tacaddi ah oo bahdil iyo xadgudub ah, taas oo aan habboonayn in loola dhaqmo qof xil sare kasoo qabtay dalka, islamarkaana dalka kasoo saaray marxaladihii adkaa, ma istaahilo in qof intaas soo sameeyay naftiisa khatar la geliyo ama lagu weeraro gurigiisa,” Ayuu sidoo kale yiri Farmaajo.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa xusay in isaga iyo Sheekh Shariif ay door muhiim ah ka qaateen dagaaladii lagula jiray Al-shabaab, isla markaana ay si wadajir ah uga shaqeeyeen xoreynta magaalada Muqdisho iyo gobolada Sh/dhexe iyo Sh/hoose.

Dhinaca kale, Farmaajo ayaa ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu gogol wadahadal ah ku qabto gurigiisa magaalada Muqdisho, si loo bilaabo wadahadalo toos ah oo u dhaxeeya madaxda dowladda iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Ugu dambeyn, wuxuu Farmaajo sheegay in haddii madaxweyne Xasan Sheekh uu ka baaqsado ama diido gogoshaas wadahadal, ay soo dhaweyn doonaan cid kasta oo Soomaaliyeed oo diyaar u ah inay dhex dhexaadiso xaaladda siyaasadeed ee dalka.