Guddiga doorashooyinka oo sheegay in dib loo dhigay doorashada maamulka Galmudug

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha C/kariim Axmed Xasan

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashada goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee maamul goboleedka Galmudug, kaddib codsiyo ay soo gudbiyeen ururrada siyaasadda ee ka qeyb galaya tartanka doorashada.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in doorashada, oo markii hore loo qorsheeyay 25-ka Luulyo 2026, hadda la qaban doono 30-ka Luulyo 2026, wuxuuna guddigu sheegay in sababta dib loogu dhigay ay tahay, si ururrada siyaasadda loo siiyo waqti dheeraad ah oo ay ku dhammaystiraan diyaar-garowga iyo howlaha la xiriira ka qeybgalka doorashada.

Sidoo kale, guddiga ayaa caddeeyay in wax-ka-beddelka jadwalka uu waafaqsan yahay xeerarka doorashooyinka, isla markaana looga dan leeyahay in la xaqiijiyo hannaan doorasho oo hufan, nidaamsan, kana tarjumaya tartan cadaalad ah.

Ugu dambeyn, guddiga ayaa ugu baaqay ururrada siyaasadda inay ka faa’iideystaan muddada dheeriga ah, si ay u soo gaba-gabeeyaan howlaha abaabulka, diyaarinta musharraxiinta iyo waajibaadyada kale ee la xiriira doorashada.

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka oo dib u dhigay doorashada Galmudug