Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay walxo kiimiko ah oo loo adeegsan lahaa qaraxyo (SAWIRRO)

Hay'adda NISA oo gacanta ku dhigtay walxo kiimiko ah oo loo adeegsan lahaa qaraxyo

Ciidanka hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada deegaanka, ayaa fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu fashiliyey walxo kiimiko ah oo loo adeegsan lahaa samaynta qaraxyo, kuwaas oo sida la sheegay lagu bartilmaameedsan lahaa shacabka.

Walxahan kiimikada ah oo ku jiray in ka badan boqol jirgaan ayaa laga helay meel ku dhow deegaanka Jilib Marka ee gobolka Sh/hoose, iyadoo sida warbixintu tilmaamayso walxahaan ayaa halkaasi lagu aasay kadib markii ay Al-shabaab ogaadeen in hay’adaha ammaanku ay daba joogaan.

Hay'adda NISA oo gacanta ku dhigtay walxo kiimiko ah oo loo adeegsan lahaa qaraxyo
Hay'adda NISA oo gacanta ku dhigtay walxo kiimiko ah oo loo adeegsan lahaa qaraxyo

Taliyaha ciidanka nabad sugidda qaranka ee degmada Marka, Maxamed Sheekh Xasan, ayaa uga mahadceliyay ciidamada deegaanka doorkooda, isagoo sheegay in maleeshiyaadka deegaanka (macawisleyda) ay heleen godad lagu qariyay jirgaamo ka badan boqol, xilli ay roondo ku marayeen waddada u dhaxeeysa Marka iyo Gandarshe.

Waxa uu intaa ku daray in xogtaas si deg-deg ah loogu gudbiyay taliska NISA ee gobolka Sh/hoose, isla markaana la xoojin doono howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Hay'adda NISA oo gacanta ku dhigtay walxo kiimiko ah oo loo adeegsan lahaa qaraxyo
Hay'adda NISA oo gacanta ku dhigtay walxo kiimiko ah oo loo adeegsan lahaa qaraxyo

Sidoo kale, taliyaha ciidamada deegaanka, Maxamed Cusmaan Indho-giir, ayaa sheegay in jirgaamadu ay ka jireen budooyin kala duwan oo ay Al-shabaab u adeegsan lahaayeen samaynta walxaha qarxa, kuwaas oo sida uu sheegay loogu talagalay in lagu waxyeeleeyo shacabka deegaanka.

Hay'adda NISA oo gacanta ku dhigtay walxo kiimiko ah oo loo adeegsan lahaa qaraxyo

Si kastaba ha ahaatee, howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada ammaanka Soomaaliya ay sare u qaadeen howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay kaga sugan yihiin qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka.