Ibraahim Kalaay iyo maleeshiyaadkiisa oo maanta isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya

Ibraahim Kalaay iyo maleeshiyaad la socday oo maanta isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya

Guddoomiyihii hore ee deegaanka Awdiinle ee gobolka Baay, Ibraahim Maxamed Nuur Kalaay, iyo ku dhowaad 150 maleeshiyaad oo la socotay ayaa la sheegayaa inay isku soo dhiibeen ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgala maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ibraahim Maxamed Nuur Kalaay iyo maleeshiyaadka la socday ay waqtiyo kala duwan ee maanta ah isku soo dhiibeen ciidamada dowladda, iyagoo sidoo kale ku wareejiyay hub iyo gaadiid dagaal oo ay wateen.

Wasaaradda gaashaandhiga ayaa sheegtay in xubnahaan ay go’aansadeen inay ka tanaasulaan dhaqdhaqaaqyadii hubeysnaa, isla markaana ay qeyb ka noqdaan dadaallada lagu xoojinayo amniga, nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.

Waxaa sidoo kale socda wada-hadallo lagu doonayo in maleeshiyaadka kale ee weli hubeysan lagu dhiirrigeliyo inay hubka dhigaan, isla markaana ay kusoo biiraan geeddi-socodka nabadda iyo dowladnimada.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda, iyadoo ku celisay in aan la oggolaan doonin in hub sharci-darro ah loo adeegsado dhibaateynta shacabka ama carqaladeynta amniga.

Ugu dambeyn, wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aanka maleeshiyaadka isa soo dhiibay, iyadoo ku boorrisay dadka kale ee hubeysan inay ka faa’iideystaan fursadaha dib-u-soo-noqoshada bulshada iyo ka qeybgalka nabadda.

Si kastaba ha ahaatee, is-dhiibistan ayaa kusoo beegmeysa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo amni iyo dib-u-heshiisiin oo lagu doonayo in lagu yareeyo colaadaha iyo dhaqdhaqaaqyada hubeysan ee ka jira qaar ka mid ah deegaannada dalka.