Illaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa si adag u beeniyay sheegashada ka timid Maraykanka oo ahayd in barnaamijka gantaallada Iiraan si weyn loo wiiqay ama la burburiyay, iyagoona sheegay in arrintaasi aysan waxba ka jirin.
Mas’uuliyiinta IRGC ayaa sheegay in Iiraan ay haysato kayd gantaallo waaweyn oo aad u ballaaran islamarkaana loo diyaariyay in la adeegsado haddii loo baahdo, ayna sii wadayaan horumarinta tiknoolajiyada militariga iyo awoodaha difaaca.
Waxay sidoo kale sheegeen in ciidamadooda ay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan weerar kasta oo lagu soo qaado dalkooda, iyagoona dhinaca kale digniin u diray cid kasta oo isku dayda inay Iiraan u hanjabto.
Si kastaba ha ahaatee, arrimaha ugu waaweyn ee xiisadda ka dhex qarxisay labada dal ee Iiraan iyo Maraykanka ayaa ka mid ah horumarinta barnaamijka nukliyeerka Iiraan, iyadoo Maraykanka iyo qaar ka mid ah xulafadiisa ay muujinayaan walaac ku saabsan arrimahaas.