Ilaalada taliyihii hore ee ciidanka xoogga iyo ciidamada dowladda oo isku horfadhiya deegaanka Mirinaayo

Ilaalada taliyihii hore ee ciidanka xoogga iyo ciidamada dowladda oo isku horfadhiya deegaanka Mirinaayo

Wararka laga helayo degmada C/casiis ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xiisad kacsanaan ah laga dareemayo deegaanka Mirinaayo, halkaas oo ay isku horfadhiyaan ilaalada taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka la helayo, ciidamada dowladda ayaa doonaya inay fuliyaan howlgal la xiriira hub uruurin iyo baaritaanno amni, oo ay ku jiraan guriga uu degan yahay Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, hase yeeshee ilaalada jenaraalka ayaa la sheegayaa inay ka biyo-diideen tallaabadaas, taas oo sare u qaaday xiisadda ka taagan goobta.

Illaa iyo haatan lama soo sheegin wax dagaal ah oo si rasmi ah u dhex maray labada dhinac, hase yeeshee waxaa jirta cabsi laga qabo in xaaladdu isu beddesho iska horimaad hubeysan haddii aan xal laga gaarin muranka taagan.

Dhinaca kale, warar kale oo laga helayo isla degmada C/casiis ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay galeen Elite Hotel, oo la sheegay inuu leeyahay siyaasiga mucaaradka ah C/laahi Maxamed Nuur, oo hore usoo noqday wasiirka amniga ee Soomaaliya.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in ciidamada booliiska ay hub ka qaadeen qaar kamid ah illaalada hotelka, kadibna ay bilaabeen baaritaanno amni oo lagu sameynayo qeybaha kala duwan ee dhismaha, iyadoo la raadinayo hub sharci-darro ah.

Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli taliska booliiska gobolka Banaadir uu dhawaan shaaciyay inuu wado qorsheyaal lagu uruurinayo hubka sharci-darrada ah ee lagu tuhunsan yahay in lagu qariyay qaybo kamid ah degmada C/casiis, kadib xiisadihii iyo iska horimaadyadii amni ee dhawaan ka dhacay degmadaas.

Si kastaba ha ahaatee, saacadaha soo socda ayaa la filayaa in mas’uuliyiinta dowladda ama dhinacyada kale ay war kasoo saaraan arrimahaan, iyadoona sidoo kale ay soo bixi doonaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda amni ee degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho.