Labo nin oo laga soo qabtay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo maanta la keenay Muqdisho

Labo nin oo laga soo qabtay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo maanta la keenay Muqdisho

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa maanta magaalada Muqdisho keentay laba eedeysane oo lagu kala magacaabo Cabdi Maxamed Axmed iyo Daahir Tahliil Cigaal, kuwaas oo laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud.

Sida ay sheegtay NISA, labada eedeysane ayaa lagu qabtay howlgal amni iyagoo watay laba qori oo nooca AK-47 ah, kuwaas oo loo haysto inay si sharci-darro ah u wateen.

Hay’addu waxay sheegtay in tallaabadan ay qeyb ka tahay howlgalada lagu xakameynayo hubka sharci-darrada ah iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga deegaannada gobolka Galgaduud.

Labo nin oo laga soo qabtay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo maanta la keenay Muqdisho

Howlgalka ayaa kusoo beegmaya xilli uu Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, dhawaan degmada Balanballe kaga dhawaaqay go’aanno lagu adkeynayo in tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo lagu helo hub sharci-darro ah ama ku lug yeelata hurinta colaadaha.

NISA ayaa sheegtay in labada eedeysane loo gudbin doono hay’adaha garsoorka, si loo mariyo habraacyada sharciga ah ee dalka, loogana qaado tallaabooyinka ku habboon.

Labo nin oo laga soo qabtay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo maanta la keenay Muqdisho

Dhinaca kale, Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay inay sii xoojisay howlgalada lagu sugayo amniga iyo xasilinta deegaannada, si looga hortago hubka sharci-darrada ah, colaadaha beelaha iyo falalka kale ee khatarta ku ah amniga bulshada.

Ugu dambeyn, hay’addu waxay xustay in howlgaladaan ay qeyb ka yihiin qorsheyaasha lagu adkeynayo nabadda, wada noolaanshaha bulshada iyo ilaalinta kala dambeynta, iyadoo la dardargelinayo tallaabooyinka ka dhanka ah cid kasta oo ku lug leh falal amniga lid ku ah.