Madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa kadib booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Israa’iil, taas oo lagu tilmaamay mid ka mid ah safarradii diblomaasiyadeed ee ugu muhiimsanaa tan iyo markii uu xilka la wareegay.
Madaxweyne Cirro iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, siyaasiyiin, odayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Cirro oo la hadlayay shacabka Somaliland ayaa sheegay in safarkiisu uu ahaa mid guul kusoo dhammaaday, isla markaana qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirrada caalamiga ah, ballaarinta iskaashiga dibadda iyo horumarinta dadaallada aqoonsi raadinta Somaliland.
Wuxuu xusay in intii uu ku sugnaa Israa’iil uu kulamo miro-dhal ah la yeeshay madaxda dalkaasi, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga, beeraha, biyaha, maalgashiga, tiknoolajiyadda iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in labada dhinac ay muujiyeen rabitaan iyo diyaar-garow ku aaddan dhisidda xiriir iskaashi oo waara, kaas oo ku saleysan danaha wadaagga ah iyo ka faa’iideysiga fursadaha horumarineed ee labada dhinac.
Ugu dambeyn, madaxweyne Cirro ayaa lagu wadaa inuu caawa khudbad qaran ka jeediyo xarunta madaxtooyada Somaliland, taas oo la filayo inuu kaga hadlo waxyaabihii uga soo qabsoomay safarkiisa, xaaladda guud ee dalka, siyaasadda arrimaha dibadda iyo qorshayaasha dowladda ee ku aaddan horumarka iyo mustaqbalka Somaliland.