Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa, kaddib safar shaqo oo uu ku tegay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Safarka madaxweyne Cirro ayaa ku qotomay ka qeyb-galka shirkii dowladaha adduunka ee lagu qabtay magaalada Dubai, kana mid ah shirarka caalamiga ah ee ugu waaweyn ee lagu falanqeeyo mustaqbalka dowladnimada, horumarka iyo iskaashiga caalamiga ah.
Shirkaasi waxaa soo qabanqaabiyay xukuumadda Imaaraadka Carabta, iyadoo ay ka soo qeyb-galeen madax iyo wakiillo ka kala socday dalal badan oo caalamka ah.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay ka qeyb-galka Madaxweyne Cirro ee shirkaasi uu ahaa mid leh ahmiyad istiraatiiji ah oo muhiim u ah Somaliland.
Madaxweyne Cirro ayaa shirkan ka qeyb galay markii labaad oo xiriir ah, taas oo muujinaysa joogtaynta dadaallada diblomaasiyadeed iyo raadinta fursado cusub oo iskaashi ah.
Ugu dambeyn, safarka madaxweyne Cirro ayaa la filayaa inuu ka miro dhaliyo xiriirro cusub iyo iskaashi la taaban karo oo waxtar u leh Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee, ka qeyb-galka shirarka heerka caalami ah ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah kor u qaadidda doorka Somaliland ee fagaarayaasha caalamiga ah, isla markaana xoojinaya himilada horumarineed ee xukuumadda.