Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo kulan heer sare ah ku yeeshay Addis Ababa

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra'iisul wasaare Abiy Axmed oo kulan heer sare ah ku yeeshay Addis Ababa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Addis Ababa kulan heer sare ah kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, xilli uu booqasho shaqo ku joogo dalkaas.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah labada dal iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, iyadoo si gaar ah loo xoojiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, si loo abuuro fursado cusub oo kor u qaada danaha shacabka labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra'iisul wasaare Abiy Axmed oo kulan heer sare ah ku yeeshay Addis Ababa

Sidoo kale, waxaa si qoto dheer loogu lafaguray doorka wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka qaadan karaan xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka waara ee gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ra’iisul wasaare Abiy Axmed ugu hambalyeeyay guusha siyaasadeed ee uu xisbigiisu ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay dalka Itoobiya, isagoona u rajeeyay inay sii waddaan dadaallada horumarineed ee lagu xoojinayo xasilloonida dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra'iisul wasaare Abiy Axmed oo kulan heer sare ah ku yeeshay Addis Ababa

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa muujinaya dadaallada joogtada ah ee ay labada dowladood ugu jiraan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga, iyadoo Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka mid yihiin dalalka ugu muhiimsan gobolka ee wadaaga danaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed.