Madaxweyne Xasan Sheekh iyo William Ruto oo ku kulmay magaalada Narok ee dalka Kenya

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo William Ruto oo ku kulmay magaalada Narok ee dalka Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta gaaray magaalada Nairobi, isla markaana uga sii gudbay magaalada Narok ee dalka Kenya, ayaa kulan muhiim ah halkaasi kula yeeshay dhiggiisa dalkaas, William Ruto.

Kulanka labada madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo adkeeyay muhiimadda sii wadista iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo William Ruto oo ku kulmay magaalada Narok ee dalka Kenya
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo William Ruto oo ku kulmay magaalada Narok ee dalka Kenya

Sidoo kale, labada madaxweyne ayaa isla qiray baahida loo qabo in la sii xoojiyo wada-shaqeynta dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta xasilloonida iyo nabadda gobolka Geeska Afrika, oo ay labada dal door muhiim ah ku leeyihiin.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga, gaar ahaan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, isu-socodka xuduudaha iyo fududeynta xiriirka ganacsi ee labada dal.

Sidoo kale, waxaa la isla soo qaaday arrimo la xiriira xaaladda gobolka, dadaallada nabadeynta iyo iskaashiga dhinacyada la xiriira ka hortagga khataraha amni ee ka jira gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo William Ruto oo ku kulmay magaalada Narok ee dalka Kenya
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo William Ruto oo ku kulmay magaalada Narok ee dalka Kenya

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Kenya ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan dadaallo joogto ah oo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Muqdisho iyo Nairobi, iyo sidoo kale iskaashi ku saabsan arrimaha gobolka iyo horumarinta guud ee labada dal.

Si kastaba ha ahaatee, kulankaan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah kulamada muhiimka ah ee lagu adkeynayo iskaashiga labada dowladood, iyadoo la filayo in ay sii socdaan wada-hadallada iyo iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan amniga, dhaqaalaha iyo horumarka gobolka.