Madaxweyne Xasan Sheekh oo faahfaahin dheer ka bixiyay khilaafka dowladda federaalka iyo Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, isaga oo maamulka madaxweyne Saciid C/laahi Deni ku eedeeyay inuu hor istaagay qaar kamid ah adeegyada iyo barnaamijyada horumarineed ee loogu talagalay shacabka Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu soo xirayay toddobaadka xorriyadda oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in maamulka Puntland uu diiday hirgelinta qorsheyaal waxbarasho oo dowladda federaalku u dejisay deegaannada maamulkaas, kuwaas oo ay ku jireen shaqaaleysiinta iyo tababarka boqolaal macallin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaciyay in dowladda federaalku qorsheysay qorista iyo mushaar-siinta inta u dhaxeeysa 700 illaa 800 macallin oo ka howlgeli lahaa dugsiyada Puntland, balse sida uu sheegay maamulka Puntland uu hor istaagay hirgelinta qorshahaas.

“Waxaa la qorsheeyay in boqolaal macallin laga qoro Puntland, lana siiyo tababarro iyo mushaar ay bixineyso dowladda federaalka, si ay uga shaqeeyaan iskuullada deegaanka, balse nasiib darro, maamulka Puntland ayaa diiday arrintaas,” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhammaan dowlad-goboleedyada kale ay ka faa’iideysteen barnaamijyada waxbarashada ee dowladda dhexe, isla markaana macallimiinta laga qoray deegaannadaas ay hadda ka shaqeeyaan manhajka mideysan ee qaranka.

Waxa uu xusay in Soomaaliya ay markii ugu horreysay yeelatay nidaam waxbarasho oo mideysan iyo shahaado qaran oo si caalami ah loo aqoonsan yahay, isagoo sheegay in qof kasta oo siyaasadeeya adeegyada waxbarashada uu caqabad ku yahay horumarka dalka iyo mustaqbalka jiilka soo koraya.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan wax colaad ah u haynin Puntland, isla markaana shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay u siman yihiin dowladda dhexe.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in nidaamka federaalka loo sameeyay in adeegyada dowladda loo dhoweeyo shacabka, balse aan loola jeedin in shacabka Soomaaliyeed la kala qaybiyo ama la kala fogeeyo.

Madaxweynaha ayaa si toos ah uga hadlay heerka xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, isaga oo sheegay in xiriirka labada dhinac uu gebi ahaanba hakad ku jiro.

“Maanta dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland wax wadashaqeyn ah kama dhaxeeyso, dhinacyo badan ayaa xiriirkii la jaray, waxaana hakad galay wada-shaqeyntii hay’adaha dowladda,” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymo maalmihii lasoo dhaafay laga jeediyay oo ku saabsanaa in dowladda federaalka ay ka dambeyso dhaqdhaqaaqyo lagu qalqal gelinayo amniga Puntland.

Wuxuu sheegay in Muqdisho ay tahay caasimadda ummadda Soomaaliyeed oo looga shaqeeyo danta guud ee dalka, balse aan looga shaqeyn hurinta khilaafaad iyo kala fogeynta shacabka Soomaaliyeed.

“Eedeymaha la xiriira in dowladda federaalka ay Muqdisho ka abaabuleyso qalalaase ama fitno laga hurinayo Puntland wax sal iyo raad ah ma laha, Muqdisho waa caasimadda umadda, waxaana looga shaqeeyaa danta guud ee dalka ee ma ahan meel laga soo abaabulo in shacabka Soomaaliyeed lagu kala fogeeyo” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay madaxda Puntland in wixii khilaaf siyaasadeed ah lagu xalliyo wada-hadal iyo is-afgarad, isaga oo caddeeyay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay wada-xaajood kasta oo lagu dhammeynayo kala aragti duwanaanshaha jira.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale farriin u diray siyaasiyiinta mucaaradka ah, isaga oo ugu baaqay inay bulshada horgeeyaan aragtiyo iyo barnaamijyo siyaasadeed oo cad, halkii ay ku mashquuli lahaayeen muran iyo eedeymo siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Puntland, kaddib eedeymo iyo hadallo is-daba joog ah oo ay labada dhinac isu marinayeen toddobaadyadii lasoo dhaafay, kuwaas oo la xiriira arrimaha amniga, maamulka iyo mustaqbalka nidaamka federaalka dalka.